Dirawal

Shuruudaha Isticmaalka

La cusboonaysiiyay 2026-10-09

Dirawal waa maxay?

Dirawal waa barnaamij madax-bannaan oo kaa caawinaya diyaargarowga imtixaanka shatiga. Su'aaluhu waa kuwa rasmiga ah ee buugga imtixaanka. Dirawal ma aha barnaamijka rasmiga ah ee dowladda, mana aha mid ay dowladdu ansixisay ama la xiriirto.

Akoonkaaga

Akoonku wuxuu ka kooban yahay lambarka telefoonkaaga iyo eray sir ah oo aad dooratay. Lambarka waxaa loo isticmaalaa inaad akoonkaaga ku gasho iyo lacag-bixinta. Erayga sirta ah adiga ayaa mas'uul ka ah — cidna ha u sheegin.

Galaangalka

Galaangalku waa muddo go'an: 7 maalmood markaad halkan ka iibsato, ama 30 maalmood haddii koodhku ka yimid iskuul. Muddadu waxay bilaabmaysaa markaad koodhka gasho ama lacagta bixiso, ee ma aha markii la iibiyay. Koodh kastaa hal mar ayaa la isticmaali karaa. Haddii aad gasho koodh cusub iyadoo galaangalkaagu weli shaqaynayo, muddada cusub waxaa lagu daraa tan kuu hadhay. Marka galaangalku dhammaado, waxba si toos ah lagaama qaadayo — adiga ayaa go'aansanaya inaad cusboonaysiiso.

Lacag-bixinta

Lacagta waxaa lagu bixiyaa ZAAD, EVC Plus ama SAHAL. Qiimaha waxaad arkaysaa ka hor intaadan xaqiijin, telefoonkaaguna wuxuu ku weydiinayaa inaad ogolaato. Lacag la bixiyay galaangal ayay kuu furaysaa isla markiiba.

Iskuulkaaga

Haddii aad gasho koodh iskuul, waxaad ku biiraysaa iskuulkaas, macallimiintiisuna waxay arki karaan horumarkaaga laga bilaabo maalintaas. Waxba kama arkaan wixii ka horreeyay.

Xogtaaga

Jawaabahaaga, natiijooyinkaaga iyo horumarkaaga waa la kaydiyaa si aad dib ugu aragto. Marka galaangalku dhammaado ma tirtirmaan — galaangal cusub ayaa dib kuugu celinaya halkii aad ka tagtay.

Isbeddel

Shuruudahan waa la beddeli karaa. Nuqulka hadda shaqaynaya waa kan boggan ku qoran, taariikhda cusboonaysiintiisuna waa tan kor ku xusan.

 Ku noqo